Friday, 23 July 2021

isdhex galka dhalinyarada degmada Eyl

dhalin yarada degmada Eyl waxay dalbanayaan in loosameyo  garoomo cagaara si ay uga gudbaan garomada ciida ah.

Monday, 19 July 2021

๐™€๐™๐™€๐™”๐™Š ๐™…๐˜ผ๐˜พ๐™€๐™”๐™‡ ๐™Š๐™Š ๐˜ผ๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐™‰ ๐˜ผ๐™ƒ




Erayo jaceyl oo amaan ah

Naftu maxay jeceshahay?

  • Jawaabta: in la dhaho erayo jaceyl oo amaan ah, weliba erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh, sax?

In la adeegsado erayo amaan ah waa wax aad u mihiim ah, hal eray oo aad dhahday qof ayaa waxa uu noqon karaa wax weyn, waxaa suurto gal ah in qofkaasi maalintiisa aad ka dhigto maalin quruxda badan, waxaa laga yaabaa in aysan wax weyn kuu aheyn adiga balse qofkaasi ay u tahay maalinta ugu quruxda badan maalintiisa.

Tusaale: Qof walbaa wuxuu jecelyahay in la sheego ama lagu amaano sida uu asiga yahay, lana sheego wanaagiisa, wax qabadkiisa, quruxdiisa, labiskiisa, aragtidiisa, caqligiisa, aqoontiisa, halabuurkiisa, naxariistiisa iyo wixii lamid ah.

Sida aad u jeceshahay in lagu amaano ayuu qofka kalena u jecelyahay in la amaano. Ogow amaantu waxa ay isu soo dhaweysaa qalbiyada labada qofood.

Sido kale in la amaano qofku waxa ay u noqotaa dhiiro gelin, waxa ayna ku dhiiro gelisaaa wax qabadkiisa.

Waxaad aragtay qof masaakiinta caawiyo, waxaad ku tiri ”Ilaahey hakaa abaalmariyo, waxaad tahay qof ku dayasho mudan".

Waxaad aragtay askari dhaxanta u jiifo difaaca iyo amniga dalkeena, in aan anagu nabad ku noolaano, kuna damashaadno dalkeena, adigoo og shaqadaasi in aysan ahayn shaqo fudud oo qof walbaa ku dhiirado, mushaar fiican laga qaadan, noloshiisu ay tahay mid qatar ah, waxaad u tagtay askarigaasi, waxaad ku tiri askari waxaad heysaa shaqo qaran.

Askarigaas intaas waxa ay u tahay wax weyn laakin adiga kuguma qaadan labo daqiiqo.

Hadii aad eraygaasi dhihi lahayd misana u geyn laheyd quraac ama casho, askarigaasi waxa ay u noqon lahayd dhiiro gelin joogto ah. Bal tijaabi intaas yar. Waxaad arki doontaa amaanta qiimaha ay leedahay.

  • In aad qof lacag siiso waxaa ka qurux badan hal eray oo aad qofka ku amaanto.

  • Hal erayo oo amaan ah ayaa waxa uu bedeli karaaa qalbiga qofka.

  • Hal eray oo amaan oo aad ku muujisay wanaag qof uu sameeyay ayaa wuxuu ku dhiiro gelin karaa weligiisa in uu sidaas sameeyo.

Hadii aad xaas leedahay, waad ogtahay xaaskaaga dhibta ay ka mareyso caruurtaada iyo in ay adiga kaa fikirto sida in ay cunto kuu kariso, dharkaaga kuu dhaqdo, kuu feereyso, Sow ma mudno in aad ku dhahdo hal erayo oo amaan ah? Dabcan haa.

Nolosheyda waad ku mahadsantahay sida aad qoyskeena u daryeesho, kadibna aad hab siiso.

Halkaas eray waxa uu ku dhiiro gelin doonaa in ay shaqadeeda ka sii balaariso maalinteedana waaxa ay noqon doontaa maaalin farxadeeda. Si, aad taasi u ogaatid fiiri indhaheeda isla waqtigaasi ee aad erayadaasi dhaheysid.


  Hadaba maanta waxaan idin soo diyaarinay erayo jaceyl oo amaan ah kuwaasi oo aad ku soo jiidan karto qalbiga lamaanahaaga ama aad ku farxadgelin kareyso.

Erayo jaceyl oo amaan ah

Erayo jaceyl oo amaan ah, jaceyl, erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh, erayo amaan ah, geeraar jaceyl ah oo gaaban, sida loo amaano gabdhaha. erayo macaan xaaskaaga ku dhihi karto.
Jaceyl lagalo waa nolol aad u macaan

Erayo Jaceyl oo amaan

  1. Labiskaaga aad ayaad ugu nuureysaaa.

  2. Ma ubaahnid in aad makeup marsato, sababtoo ah si dabiici ah ayaad uqurux badan tahay.

  3. Waxaa tahay qof la jeclaado.

  4. Maanta iftiinkaada ayaa baxo.

  5. Waxaa tahay qof soo jiidasho badan

  6. Waxaad tahay qof xaraggo badan.

  7. Waan jeclahay indhahaaga.

  8. Waxaad leedahay dhoola cadeynta ugu quruxda badan.

  9. Waan jeclahay sida quruxda badan ee aad u muuqato markii aad hurdeyso.

  10. Waan ka helaa labiskaaga.

  11. Waxaa tahay boqorada xaragada.

  12. Waxaad leedahay dhabanno yaab leh.

  13. Waan ka helaa timahaaga.

  14. Xaqiiqdii waxaa taqaanaa sida loo xaragoodo.

  15. Waxaad leedahay qurux dabiici ah.

  16. Adiga ayaa ugu macaan.

  17. Waxaa tahay halka aan amaan ku dareemo.

  18. Waxaan dareemayaa farxad markaan adiga kula joogo.

  19. Weligaa kama baqan in aad ii muujiso xiisaha aad ii heyso, waad ku mahadsantahay taas.

  20. Sidee nasiib ugu yeeshay in aad noqoto qeyb kamid ah jirkeyga?

  21. Waxaad iga dhigeysaa ninka ugu farxada badan dunida.

  22. Ma jiro qof ii farxadgeliyo sida aad adigu ii farxadgeliso.

  23. Ani ahaan waxaa tahay quman.

  24. Waxaa tahay halhayskeyga ugu weyn.

  25. Nafta uun baa iga qaadeysaaa.

  26. Waxa ay ahayd riyadeyda inaad nolosheyda ku soo biirto.

  27. Waxaan jeclahay in aan laabta kugu hayo

  28. Waan ku dhageysan karaa saacado, waana kula hadli karaa mana dareemayo caaajis.

  29. Caraftaada ayaa baxeyso.

  30. Waalidkeyga aad ayeey kuu jecelyihiin taasina waa sababta ii xaqiijisay in aan guursaday gabadhii igu habooneyd.

  31. Ani ahaan waxaa ii tahay wax walbaaa.

  32. Waxaad iga dhigeysaa qof dhameystiran.

  33. In aan adiga ku heysto waxey iiga dhigan thay in aan heysto dunida oo dhan.

  34. Waan jeclahay sida aad iiga taxadirto.

  35. Markaan daafahaaga ka maqanahay adiga ayaan kaa fikiraaa.

  36. Dhoola cadeyntaadu waa waxa daqiiqad walbaa aan ku noolahay.

  37. Uma baahni waxa dunida oo dhan yaalo, keliya in aad dhinaceyga joogto.

  38. Waxaad tahay qofka keliya ee nolosheyda dhameystiray, sow xaq uma lihi in aan ku dhaho, waxaa tahay aduunkeyga?

  39. Keliya waxaan rabaa sedex sheey, indhahaaga oo ilmeyneynin, bishimankaaga oo aan been sheegeynin iyo jaceylkaaga oo aanan dhimaneynin.

  40. Markaan eego suuradaada qurxooon, qalbigeygu wuxuuu dareemaa farxa๐˜ฟ

Friday, 16 July 2021

Khushuucda Salaadda Maskaxda Ma Kordhisaa, Welwelkana Ma Yaraysaa?

Edwards & Loprinzi (Journal of Clinical Medicine, 2018; 7(6): 125) waxay tijaabo ku muujiyeen in “Meditation” iyo jimicsi fudud sida socodka “Walking” ay kordhiyaan garaadka maskaxda “Cognition”.

Meditation: waa in wacyigaaga (Mindfullness) iyo qalbigaagu si xooggan u feejigan (Attention) yahay ficil aad samaynaysid.

Khushuuc: waa in qalbigaagu xaadir yahay, wacyigaaguna si buuxa ugu feejigan yahay ficil-ka salaadda ee aad ku jirtid.

Waxaa kale oo la xaqiiniyey in khushuucda (aka Meditation) ay la dagaalanto “Stress”-ka.



Stress: waa marka uu welwel ku hayo. Maskaxdu (Hypothalamus) waxay fariintaas ku gudbisaa in ay amarto qanjirka “Adrenal Gland” ee ku dulyaal kelyaha in ay siidayso “Hormone” la yiraahdo “Cortisol”.

“Cortisol Hormone” wuxuu ka mid yahay “Physiological Alarm System”-ka jirku isticmaalo marka halista jirto.

Marka “Hormone”-ka “Cortisol” jirka ku bato, waxaa demisaa nidaamka fariin gudbinta jirka “neural transmission system”. Haddii ay dheeraato muddada jirku si siyaado ah u siidaynayo “Cortsol Hormone” qofka waxaa ku dhaca xanuun maskaxeedka “Depression”, wuxuuna halis ugu in uu noqdo “Suicidal” ama in qofku ku hamiyo in uu isdilo isaga oo aan xamili karin “Stress Level”-ka uu dareemayo darteed.

In qofku shanta salaadoodba iyo sunayaashooda ku dadaalo in uu ku khushuuco waxaa ku jira caafimaadkiisa maskaxeed, isagoo weliba gudanaya waajibaadkiisa diimeed Rabbina ugu dhowaanaya. Salaaddu sidoo kale waxay kuu suurtogelinaysaa in aad xubnahaaga kala bixisid oo aad heshid jimicsi ku habboon habdhiskaaga (Compatible with body anatomy).

“ุงู„ّุฐูŠู† ู‡ู… ููŠ ุตู„ุงุชู‡ู… ุฎุงุดุนูˆู†” 

isdhex galka dhalinyarada degmada Eyl

...