Friday, 16 July 2021

Khushuucda Salaadda Maskaxda Ma Kordhisaa, Welwelkana Ma Yaraysaa?

Edwards & Loprinzi (Journal of Clinical Medicine, 2018; 7(6): 125) waxay tijaabo ku muujiyeen in “Meditation” iyo jimicsi fudud sida socodka “Walking” ay kordhiyaan garaadka maskaxda “Cognition”.

Meditation: waa in wacyigaaga (Mindfullness) iyo qalbigaagu si xooggan u feejigan (Attention) yahay ficil aad samaynaysid.

Khushuuc: waa in qalbigaagu xaadir yahay, wacyigaaguna si buuxa ugu feejigan yahay ficil-ka salaadda ee aad ku jirtid.

Waxaa kale oo la xaqiiniyey in khushuucda (aka Meditation) ay la dagaalanto “Stress”-ka.



Stress: waa marka uu welwel ku hayo. Maskaxdu (Hypothalamus) waxay fariintaas ku gudbisaa in ay amarto qanjirka “Adrenal Gland” ee ku dulyaal kelyaha in ay siidayso “Hormone” la yiraahdo “Cortisol”.

“Cortisol Hormone” wuxuu ka mid yahay “Physiological Alarm System”-ka jirku isticmaalo marka halista jirto.

Marka “Hormone”-ka “Cortisol” jirka ku bato, waxaa demisaa nidaamka fariin gudbinta jirka “neural transmission system”. Haddii ay dheeraato muddada jirku si siyaado ah u siidaynayo “Cortsol Hormone” qofka waxaa ku dhaca xanuun maskaxeedka “Depression”, wuxuuna halis ugu in uu noqdo “Suicidal” ama in qofku ku hamiyo in uu isdilo isaga oo aan xamili karin “Stress Level”-ka uu dareemayo darteed.

In qofku shanta salaadoodba iyo sunayaashooda ku dadaalo in uu ku khushuuco waxaa ku jira caafimaadkiisa maskaxeed, isagoo weliba gudanaya waajibaadkiisa diimeed Rabbina ugu dhowaanaya. Salaaddu sidoo kale waxay kuu suurtogelinaysaa in aad xubnahaaga kala bixisid oo aad heshid jimicsi ku habboon habdhiskaaga (Compatible with body anatomy).

“الّذين هم في صلاتهم خاشعون” 

No comments:

Post a Comment

isdhex galka dhalinyarada degmada Eyl

...